SAWIRRO: Ciyaartoyda Real Madrid oo soo gaaray magaalada Barcelona!

(Barcelona) 02 Abriil 2016 Ciyaartoyda Kooxda Real Madrid ayaa galabta soo gaaray magaalada Barcelona oo caawa ay kula ciyaari doonaan kooxda ay aadka u xafiiltamaan ee Barca.

AS ayaa daaha ka qaaday in ciyaartoyda kooxda Real Madrid ay soo dhawayn balaaran ka heleen 5000 oo taageerayaashooda ah kuwaas oo ku soo dhaweeyay magaalada.

Qaar kamid ah ciyaartoyda ayaa halkaas saxiixyo ugu sameeyay taageerayaashii soo dhaweeyay waxayna kadib u dhaqaaqeen Hotel-kii ay dagi lahaayeen oo lagu magacaaboo Juan Carlos.

Gool FM

Xariir La Leh

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Close