Qiimaha lagu iibsan karo maaliyada Pato ee Chelsea oo si wayn hoos loogu dhigay!

(London) 02 Abriil 2016. Alexandre Pato ayaa heshiis amaah ah ugu soo biiray Chelsea bishii Janaayo laakiin weli hal kulan xitaa uma safan kooxda.

Tababare Guus Hiddink ayaa marar badan ka fogaaday su’aalaha ku saabsan weeraryahankiisa cusub  wuxuuna sheegay inuu dib u helayo taam ahaanshihiisa.

Laakiin dukaamada Blues ayaa waxaa ka dhamaaday dul qaadkii oo maaliyadihii Pato ayay si wayn hoos ugu dhigeen qiimaha lagu iibsanayay.

Maaliyada Pato ee Chelsea marka ay ku ciyaareyso garoonkeeda ayaa waxay ahayd in la iibiyo 61.95 oo bound balse waxaa iminka hoos loogu dhigay 32.87 oo bound.

Sidoo kale maaliyadda saddexaad ee kooxda uu ku xar dhan yahay magaca Pato iyo No. 11oo gacma dheeraha ayaa iyana ahayd in lagu bixiyo £51.95 balse waxaa iminka la iibinayaa  £27.97.

Sikastaba Pato ayaa la arkaa inuu maanta helo fursada uu kulankiisii ugu horreeyay ugu safan karayo Blues maadaama ganaax loo kordhiyay Diego Costa isla markaana uu seegi doono kulanka galabta ee Aston Villa.

Oscar

Gool FM.

Xariir La Leh

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Close