Ma mudan yahay in sidan la yeelo Cristiano Ronaldo ka hor kulanka caawa ee El Clasico , ma iyagaa saxan mise!?

el calsico

(Spain) 02 Abriil 2016. Waa sax in Real Madrid ay ka jajaban tahay La Liga inkastoo ay nooshahay dhanka Champions League laakiin dhaliyahooda Cristiano Ronaldo oo hogaaminaya gool dhalinta La Liga iyo midka CL ma mudnayn marna in laga saaro shaxda isku dhafka ah ee kulanka El Clasico ee caawa Camp Nou ku dhex mari doona Barcelona iyo Real Madrid.

Daily Mail ayaa qallinka u qaadatay oo shax isu dhaf ah ka sameysay kulanka la wada sugayo ee caawa waxayna ka saartay Cristiano Ronaldo oo waxaa weerarka safan MSN Messi, Suarez iyo Neymar.

Sidoo kale aqristayaasha Marca ayaa iyana sidoo kale shaxda isku dhafka Barca iyo Real Madrid ka saaray Ronaldo.

Haddaba eeg shaxda Daily Mail oo ay ka sameysay Barcelona iyo Real Madrid, waxaa ku jira saddex laacib oo qura dhanka cad-cadka halka  sideeda kale ay leedahay kooxda ka arrimisa Catalonia.

 el clasicoo

Midkanna waa shaxda Marca ay ka sameysay labada koox ka hor kulankooda caawa:

Gool FM.

 

Xariir La Leh

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Close