Louis Van Gaal oo u jawaabay Di Maria deedna markii ugu horeeysay QIRASHO mustaqbalkiisa ku saabsan sameeyey. Maxay tahay?)

(Manchester) 02 Abriil 2016. Tababaraha Manchester United Louis Van Gaal oo maalinta bari ah marti galin doona Everton ayaa dib u qaniinay xiddigiisii hore Angel di Maria.

Laacibka u dhashay  Argentina waxa uu £60m United uga soo biiray Real Madrid sanadii 2014.

Laakiin waxa uu waqti adag ku qaatay Old Trafford waxaana laga iibiyey PSG xagaagii tagay.

Waxa uu ku eedeeyey Van Gaal in uu ka dheelsiin jiray boos aan kiisa ahayn –  laakiin tababaraha United waxa uu sheegay in fashilnimadii ku timid uu sabatedda isagu leyahay.

Isaga oo qishay in Di Maria uu mar walba eedeeyo dadka kale: “Waligey ma arag  ciyaaryahan aan isaga is dhaleecen (Sidiisa oo kale).

“Waxa uu dib u jaleecaa bandhigyadiisii halkan  waxa uuna dhahaa qaladka tababaraha iska leh.

“Markaa waxa uu ka mid yahay ciyaryahanadda aan shaqsiyadooda eedeen. Nasiib daro waa sida ay nolosheyda tababare ahaan tahay. Mar waliba waa sidaas.”

Manchester-United-505247

VAN GAAL MA WAXA UU QISHAY IN UUSAN SII AHAAN DOONIN LEYLIYAHA UNITED OLOLE DAMBE?

“Waxa aan qaba in boodhka sare ay ku qiimeeyaan natiijadda sanadkan waxa ay tahay in ay sameeyaan.

“Ma saadalin karo taas marka aan aqoon xaqiiqada. Marka hore waa in aad aragtaa xaqiiqada, taas mar waliba waan sheegaa.

“The results and the titles and Champions League positions you can only say at the end.

“Natiijooyinka, koobabka iyo boosaska Champions League waxaad wax ka oran kartaa dhamaadka.

“Waxaan ahay qof qiimeyn sameya. Waan ogahay tababaraha Manchester United in looga fadhiyo in uu wax ku guuleysto, laakiin taas wali waan ka shaqenayaa.”

Gool FM.

Xariir La Leh

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Close