HALA YAABIN PATO! Bal aqri xogtan iyo waxa uu ka dhignaa goolkii uu waayihiisa Chelsea ku daah furay!

(London) 02 Abriil 2016. Alexandre Pato waxa uu Chelsea u dhaliyey gool kulankiisii ugu horeeyey ee ay Premier League ka hor yimaadeen Aston Villa, laakiin marka loo eego sooyaalkiisa ma ahayn wax lala yaabo!
Laacibka reer Brazil waxa uu muujiyey ka go’naansho gaar ahaan marka uu dheelayo kulankiisa ugu horeeya ee heerka sare tan iyo markii uu bilaabay waayihiisa.
Isaga oo jira 17, Pato waa uu kulankiisii ugu horeeyey heerka sare u ciyaaray Internacional isaga oo shabaqa haleelay natiijo ay ku badiyeen 4-1 iyaga oo la ciyaaray kooxda Palmeiras. Dhowr sano kaddib waxa uu isla sidaas u sameeyey AC Milan ciyaar ay 5-2 ku garaaceen Napoli horyaalka Serie A halka uu Brazil-na u dhaliyey gool ciyaartiisii ugu horeysay waxa ayna la ciyaareen Sweden.
Shan sano oo uu ku sugnaa San Siro ma uusan ilaawin hibadiisa, durbadiiba oo uu ku soo biiray Corinthians waxa uu shabaqa soo taabtay ciyaartii ugu horeeysay ee ay ka hor yimaadaan isaga oo qeyb ka ah Campeonato Paulista, hada sidoo kale Chelsea wuu u sameeyey!
Balse, kooxda kaliya ee uusan u dhalin kulankiisa ugu horeeya gool waa Sao Paulo – rikoor aad la yaab u leh.
Gool FM.