EPL:Arsenal oo ku barbaratay kooxda Watford kadib markii ay uga adkaadeen 4-gool +Sawirro

(London) 02 Abriil 2016 Kooxda Arsenal ayaa ku barbaratay dhigeeda Watford oo marti ugu ahayd garoonka Emirates xili uu cadaadis xoogan saarnaa kooxda macalin Arsene Wenger.

5-daqiiqo markii ay maraysay qaybtii hore Alex Iwobi ayaa si xirfadaysan kubadd ugu soo qaaday Sanchez oo goolka u furnaa isaga oo sii madaxeeyay kubadii u timid taas oo keentay in goolhayuhu uu soo tufo isaga oo markale ka faa’idaystay kubadii uu soo celiyay wuxuuna hogaanka u dhiibay Arsenal isaga oo ka dhigay ciyaarta 1-0.

38 daqiiqo Iwobi ayaa hogaanka u sii dheereeyay Arsenal kadib markii uu shabaqa ku hubsaday kubadd uga timid saxiibkiis Sanchez wuxuuna ka dhigay ciyaarta 2-0.

Qaybtii hore ayaa lagu kala nastay 2-0 oo ay hogaanka ku haysay Arsenal.

Qaybtii dambe Arsenal oo soo bandhigtay mid kamid ah qaab ciyaareedkeedii ugu fiicnaa xiliciyaareed kan ayaa sii waday weerarka ay ku haysay goolka Watford oo isbuucyo ka hor ka reebtay koobka FA Cup-ka.

48 daqiiqo Bellerin ayaa hogaanka u sii dheereeyay Arsenal kadib markii uu shuud xoogan ku celiyay kubadd ay soo bixiyeen difaacyada Watford wuxuuna ka dhigay ciyaarta 3-0.

Dhamaadkii ciyaarta Arsenal ayaa heshay goolka 4-aad kadib markii Walcott uu shabaqa ku hubsaday kubadd uu Campbell si xirfadaysan ugu soo dhigay irida goolka wuxuuna ka dhigay 4-0.

Guushaan ayaa ka dhigan tii ugu horaysay ee Arsenal ay ku gaarto garoonkeeda 3-dii kulan ee ugu danbeeyay tartamada oo dhan.

Gool FM

Xariir La Leh

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Close