EPL: Man City oo maraqa ka cabtay AFC Bournemouth….(Kevin De Bruyne oo sameeyay soo laabasho fiican)+SAWIRRO

(England) 02 Abriil 2016.  Man City oo marti ahayd ayaa miirka ka ceshatay Bournemouth oo ay kaga adkaatay 4-0.

qeybtii hore ayaa lagu kala nastay 3-0 oo waxaa daqiiqadii 7-aad goolka ugu daah furay nin aan goolal badan looga baran Fernando kubbad uu lugta la helay iyadoo dhulka dhicin oo ka timid dhanka koornada.

Goolka labaad waxaa dhaliyay Kevin De Bruyne 5-daqiiqo kaddib waxayna taa sare u qaadeysaa niyadiisa maadaama uu kulankan ka soo laabtay dhaawac uu ku maqnaa labo bilood.

Sergio Aguero ayaa ku soo xiray goolka saddexaad ee qeybtii hore ee ciyaarta, waxaana goolka afaraad dhaliyay qeybtii labaad dhamaadka ciyaarta daqiiqadihii lagu daray daafacooda Aleksandar Kolarov.

Guusha wayn ay gaartay Man City ayaa waxay ku soo aadeysaa xilli ay usbuucan la ciyaari doonto PSG tartanka xiisaha badan ee Champions League.

man city (1) man city (2) man city (3) man city (4) man city

Gool FM.

Xariir La Leh

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Close