Eden Hazard oo seegaya kulanka Premier League ee kooxdiisa Chelsea maanta la ciyaarayso Aston Villa

(London) 02 Abriil 2016 –  Tababaraha aan joogtada ahayn ee kooxda Chelsea Guus Hiddink ayaa xaqiijiyey in Eden Hazard uusan ciyaari doonin oo uu seegayo kulanka maanta ee Premier League oo ay la leeyihiin Aston Villa.

25-sano jirkaan ayaa la dhibtoonayey dhaawac bowdada iyo sinta ah tan iyo 9 bishii Maarso, markaasoo ay Paris Saint-Germain kasoo reebtay Champions League kooxdiisa Blues.

Shirka jaraa’id ee ka horreeeya kulanka Aston Villa iyo Chelsea ayuu macallin Hiddink shaaca ka qaaday in Hazard uusan ciyaari doonin, isla markaana uusan haysan taam ahaansho ku filan kulankan.

Inkastoo xiddiga xulka qaranka Belgian uu tababarka qaadanayey muddooyinkii dhawaa, haddana taam uma noqon kulanka maanta ee Premier League oo ay kooxdiisu madax gelin doono Aston Villa.

Hazard-Chelsea-injury-631143

Gool FM.

Xariir La Leh

Leave a Reply

Close