Ancelotti: Sida lagu joojin karoLionel Messi

(Catalonia) 02 Abriil 2016. Carlo Ancelotti waxa uu sheegay in qaabka kaliya ee uu tababare ugu diyaar garoobi karo wajahidda Lionel Messi ay tahay in uu diido soo hadal qaadidda weeraryahanhka, si uu uga taxadaro in uu wadnaha galiyo cabsiddiisa ciyaaryahanaddiisa.

Laacibka shanta jeer hantay Ballon d’Or waxaa loo aqoon sanyahay in uu yahay ciyaaryahankii ugu wanaagsanaa ee ebid soo mara kubadda cagta, Ancelotti waxa uu u hayaa xushmaddii ugu weynyed kartidda wiilka reer Argentina.

Hase yeshee, tababaraha reer Italia, kaas oo guul 2-1 ku hogaamiyey Real Madrid fiinaalahii Copa del Rey ee 2013-14, ayaa ku adkeysanaya in aysan muhiim ahayn diiradda oo la saaro lambarka 10-naad ee Barca kulanka kahor.

 “In aad kulan u diyaarisid Messi ma aha suuragal,” ayuu yiri Ancelotti.”Messi waa cajiib hadii aad rabtoin aad kulan ugu diyaar garowddo Messi, hagaag, waa in aad iska ilaaliso ka hadalkiisa ee ku saabsan xifraddiisa iyo kartiddiisa.

 “Messi waa hibo cajiib ah,haddii aan ciyaaryahanadaada kala hadasho xirfaddiisa,markaa wey ka cabsan doonaan maxaa yeelay waxaan qabaa in uu yahay hibo sare.

 “Markaa,sheyga ugu muhiimsan waa in aad ka dhowr sanaatoka hadalkiisa,sida aan hore u sheegay kulanka diiradda saar.”

2132

Gool FM.

Xariir La Leh

Leave a Reply

Close