Kooxda Barcelona oo funaanad gaar ah ku ciyaaraysa!

(Barcelona) 02 Maarso 2016Barcelona ayaa haatan ku ciyaareysa funaanad gaar ah oo ay ku maamuusayaan halyeey Johan Cruyff, taasoo ay ku qoran tahay farriin u akhrismeysa ”mahadsanid Johan”, kulanka ay haatan la leedahay kooxda Real Madrid ee El Clasico.

Cruyff, oo loo arko ninka horseedey qaab-ciyaareedka casriga ah ee kubadda cagta, gaar ahaan nooca Tiki Taka ee Barca, ayaa todobaadkii tegey xijaabtey isagoo 68 jir ahaa.

Ninkan Dutch-ka ahaa oo mar macallin u noqday Barca oo uu sidoo kale usoo ciyaaray ayaa aasaasay hab dhismeedka kubadda ay haatan kooxda Nou Camp ku qabsatay Spain iyo Yurub intaba.

Untitled

Gool FM

Xariir La Leh

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Close