Pep Guardiola oo saxiixiisa kobaad ee naadiga Man City ku baadi goobaya 90 MILLION

(England) 30 Maarso 2016 Maclin Pep Guardiola ayaa usheegay Manchester City inuu doonayo  saxiixa kubad sameeyaha kooxda Juventus Paul Pogba xili ciyaareedka danbe.

Wargeyska Sport ayaa ogaanaya in macalin Guardiola uu si weyn udoonayo in xidigan reer France uu kamid noqdo qorshahiisa xili ciyaareedka danbe, xili uu ciyaaryahankan si weyn udoonayo inuu la shaqeeyo macalinka reer Spain

Kooxda City ayaa la ogaanayaa iney diyaar la tahay lacag dhan €95 million si ay Juventus ugu qanciso heshiiskan, taas ayaana ka dhigan in Pogba uu €20m mushaar ahaan uqaadan doono xili ciyaareedkii.

Guardiola ayaa dhanka kale doonaya in heshiiska ciyaaryahankan lasoo gaba gabeeyo kahor Euro 2016-ka, maadaama laga yaabo in qiimaha ciyaaryahankan ay korarto tartankaas kadib.

Kooxaha Barcelona, Real Madrid, Man United iyo Chelsea ayaa kamid ah kooxaha lacagaha badan ku raadinaya Paul Pogba.

GOOL FM 

Xariir La Leh

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Close