nter Milan iyo PSG Oo Ku Dagaalamaya Xidigihii Laga Nacay Xerada Real Madrid

kooxaha Inter Milan iyo PSG ayaa hadda si buuxda ugu dagaalamaya saxiixa laacibka booska dhexe ka ciyaara ee kooxda Marseille Lassana Diarra sida wararku sheegayaan.

Sida ay daabacday Majaladda Tutto Sport 31- sanno jirka ayaa si aan buuxin u sheegay inuu meel kalo kunasan karo, iyadoo loo fasiray inuu hadda u baahan yahay ka tagista koxda reer france , waxaana wiilkii hore ee kooxda Real looga gacan haatinayaa meelo kale.

“ Si dhameystiran ayaan marka uu dhamaado xagaaga ciyaaraha hadda socda kala hadli doonaa maamulka kooxda mustaqbalkeyga ” Diarra ayaa sidaas u sheegay jaraa’idka ciyaaraha fransiiska kasoo baxa.

PSG ayaa si buuxda u muujisay xiisaheeda wiilkan iyadoo u baahan inay ku dhisto booskeeda dhexe, sidoo kale kooxda reer talyaani ee Inter Milan ayaa iyana laacibkan kula tartameysa saxiixiisa kooxda PSG, iyadoo ku rabta aduun gaaraya 10-milyan oo euro.

Xariir La Leh

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Close