New Zlatan Ibrahimovic oo ay baadi goobayaan kooxa waaweyn oo kadhisan qaarada Europe

(Europe) Maarso 2016 Arsenal iyo Manchester City ayaa ka mid ah liiska sii kordhaya ee kooxaha isha ku haya weeraryahanka da’da yar ee reer Serbia ee la la barbar dhigo Zlatan Ibrahimovic.

Juventus iyo Paris Saint-Germain ayaa sidoo kale lala xiriiriyay Dusan Vlahovic, oo bishii hore noqday ciyaaryahankii ugu da’da yaraa abid taariikhda Partizan Belgrade usafta isagoo ah kaliya 16 jir.

Indho indheeyayaal ka tirsan Juve ayaa lagu soo waramayaa in ay la kulmeen Vlahovic, kasoo usoo baxay qaabka Ibrahimovic oo kale, marka la barbardhigo xitaa ciyaaryahanka da’da yaraanka iyo dhinac walba.

Paris Saint-Germain ayaa ku dhow inay lumiso Ibrahimovic xagaaga iyadoo ka fiirsanaya saxiixa Vlahovic sida ay sheegayaan wararka warbaahinta France daabacayaan.

waxaa jira xiiso kaga imaanaya England sidoo kale, Gunners iyo City ayaa kamid ah kooxaha sare ee doonaya ciyaaryahanka.

Laakiin dhan ay wajahayaan caqabad weyn marka ay soo xerogelinayaan weeraryahanka, madaama qandaraaska uu kula joogo Partizan gaarayo ilaa 2018.

Xariir La Leh

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Close