Man untd oo dooneysa daafaca ka tirsan naadiga Inter Milan

(England) Maarso 2016 Man untd ayaa laga yaabaa in Jeison Murillo ku xoojiyaan daafacooda xagaaga dambe- haddii Jose Mourinho lagu badalo Louis van Gaal shaqada Old Trafford.

Tababarihii hore ee Chelsea ayaa u muuqda mid loo magcaabi karo shaqada Old Trafford oo si xoogan loola xiriirinaayo tan iyo bishii December markii la ceyriyay Chelsea.

Mourinho ayaa taageere weyn u ah daafaca dhexe ee Colombia, kaasoo lagula saxiixan karo £14 milyan.

Warar ka soo baxaya Italy ayaa sheegaya in ninka ku guuleystay Champions League labada jeer uu isku diyaarinayo inuu soo qaato daafac Murillo.

Waxaa la sheegayaa in daafacan kooxdiisa codsan doonto £ 28m – laakiin United ayaa lagu wadaa in ay codsadaan kala bar lacagtaasi.

Xariir La Leh

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Close