Leonardo Bonucci oo ka badbaaday dhaawac halis ah

(Italy) Maarso 2016 Daafaca dhexe ee naadiga Juventus Leonardo Bonucci ayaa ka badbaaday dhaawac halis ah ka dib markii uu ku dhawcmay kulankii Italy guuldarada 4-1 ay ku dhifatay Germany.

Daafaca dhexe ayaa waxaa  soo gaaray dhawac jilibka ah intii ay ciyarta ay soctay.

28-sano jirkaan ayaa looga saaray bareelo garoonka, waxaana la ogaaday inun qabo dhawac jilibka ah”.

Laakiin kooxdiisa ayaa xaqiijisay in daafaca dhaawac weyn uusan soo gaarin islamarkaana la filayo inuu tababarka ku soo laabto sida ugu dhakhsaha badan.

War saxaafadeedka lasoo saaray ayaa lagu yiri: “Ka dib markii uu dhaawac kasoo gaaray ciyaartii saaxiibtinimo ee u dhexeeya Italy iyo Germany, Leonardo Bonucci waxa uu maray tijaabo caafimaad si loo ogaado inta uu la egyahay dhaawaca waana ilaa muruqa.

“Daafaca ayaa haatan ku nasan doonaa muddo saddex maalmood ah ka hor inta aysan dib u bilaabin kooxdiisa jadwalka tababarka.”

Bonucci ayaa lala xiriirinayay inuu u hayaamo  Chelsea isbuucyadii u danbeyay ,iyadoo Antonio Conte la filayo in loo magcaabo tababaraha kooxda Chelsea

 

GOOL FM

Xariir La Leh

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Close