Jose Mourinho oo da’yar ka tirsan naadiga Benfica kuu baadi goobaya 50 million

(England ) Maarso 2016 Maclin Jose Mourinho ayaa 50 kamid ah lacagta suuqa kala iibsiga ku qarash gareyn doona sidii uu ula soo saxiixan lahaa qadka dhexe ee Benfica Renato Sanches.

Tababare  reer Portugal ayaa sugaya in shaqada Old Trafford uu kala wareego macalinka haatan ee Louis van Gaal.

Wararka ay saxaafada Ingiriiska heshay ayaa sheegaya in £250MILLION loo gacan galin doono tababare Mourinho si uu udhiso Manchester cusub, waxaana ay bartilmaameedkooda koobaad ka dhigayaan Sanches.

United ayaa marar badan daawatay ciyaaryahankan oo lagu naaneyso inuu yahay New Ronaldinho, kaas oo xili ciyaaredkan uun kusoo biiray kooxda waa weynka ah.

18-jirkaan ayaa soo jiitay indhaha wakiilada Man United kuwaas oo daawaday kulankii ay qaranka Portugal 2-1 kaga badiyeen Belgium-ka xalay.

Manchester United ayaa dooneysa iney da’yarkaan ka dhigato badalka ciyaaryahanka heshiiskiisa uu dhamaanayo ee  Michael Carrick.

Real Madrid, Barcelona, Bayern Munich iyo PSG ayaa sidoo kale la aamisan yahay iney si weyn udoonayaan Sanches.

Xariir La Leh

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Close