(Roma) 17 Luulyo 2017 – Francesco Totti ayaa xaqiijiyay inuu noqon doono maareeye ka tirsan maamulka Roma – “qaybtaydii laacibnimo waa soo idlaatay” ayuu yiri.

Halyeeyga Giallorossi ayaa kulankiisii ugu dambeeyay ciyaaray Maajo 28, isaguu ku fariistay kulankiisii 886-aad ee naadi uu kusoo biiray sanaddii 1989-kii.

“Waxaan doonayaa inaan shaqo cusub bilaabo kaddib dhamaadka waayihii ciyaareed,” ayuu ku bilaabay Totti oo la hadlayay Roma TV.

“Maajo 28 waa maalin taariikhi ah, maalin aad ii saamaysay in badan. Waa maalin ila jiri doonta, lama sharrixi karo dareenkii maalintaa.

“Qaybtaydii laacibnimo waa dhamaatay, hadda waxaan bilaabayaa door kale maareeyanimo, anigoo rajaynaya inaan samayn doono wixii aan garoonka cagaaran ka sameeyay anigoo ciyaartooy ah.” ayuu raaciyay Totti

b

Gool FM

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here