(Milano) 17 Luulyo 2017 – Li Yonghong ayaa rikoodh cusub dhigay, waayo taariikhda kubadda cagta horay uma dhicin milkiile kharash gareeyay adduunka lacageed ee uu bixiyay sanadkii 1-aad.

Kooxda Rossoneri horraanba soo iibsatey 10 laacib oo ay ku bixisay qiime dhan 209.5 milyan oo euro, welise ma dhamaanin, waayo kooxda Via Aldo rosso weli waxay ugaarsanaysaa laacibiin qaali ah, sidaa darteedna lacagtu way ka badanaysaa inta aannu kor kusoo xusnay.

Si aad u ogaato ama cabir uga qaaddo lacagta ay farraqayso Rossonerri dib u eeg lacagihii ay sanadkii 1-aad bixiyeen maal qabeennadii kooxaha horay u iibsadey.

Tusaale ahaan, Abramovich oo Chelsea iibsadey 2003, wuxuu ku ekaaday 167.5 milyan oo euro, Rybolovlev, oo ah maalqabeen kale oo Ruush ah, wuxuu 2013 kooxda AS Monaco sanadkii 1-aad ku bixiyay 160 milyan oo euro.

Waxaa kasii horreeyay Mansur bin Zayd Al Nahyan (Manchester City, 157.3 milyan sanaddii 2008), Peter Lim (Valencia, 143.7 milyan sanaddii 2015), Nasser Al-Khelaifi (PSG, 107.1 milyan sanaddii 2011) iyo Palotta (Rome , 91.2 milyan sanaddii 2011).

AC Milan iyo milkiileheedu waxaas oo idil way ka sara mareen, waayo madaxwaynayaashaas midkoodna ma bixinin xitaa wax u dhow 209.5 oo ay Milan ilaa haatan bixisay.

Untitled

Gool FM

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here