(Milano) 17 Luuluo 2017 – Manchester United ayaa la sheegayaa inay qarka u saaran tahay qorshe ku kacaya €45.7m oo ay Inter Milan kasoo siisanayso Ivan Perisic.

Sida ku dhigan warsidaha The Sun, Perisic ayaa lagu wadaa haatan inuu u baqoolo dhanka PL iyo Man United oo haatan ciyaayaha kal-horaadka u joogta USA, halkaasoo lagu dhamaystirayo heshiiska.

Laacibkan reer Croatia ayaa muddo dheer lala xiriirinayay kooxda Man U ku dhowaad ‘xagaaga oo idil’, iyadoo uu xitaa laacibku Nerazzurri u sheegay inuu jecel yahay inuu doonayo inuu ku biiro kooxda Utd.

Inter, ayaa dhanka kale la sheegayaa inay durba soo xera gelisey beddelkiisa oo ah garab-weerarka Lazio ee Keita Balde Diao.

b

Gool FM

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here