(Torino) 17 Luulyo 2017Juventus ayaa sida lasoo sheegayo heshiis la gaartey Wojciech Szczesny isla markaana usii dhowaanaysa Mattia De Sciglio iyadoo ku helaysa lacag dhan €24m isu gayn ahaan.

Sida uu dhigayo webka Gianluca Di Marzio, Szczesny ayaa berri oo Talaado ah Talyaaniga kasoo degaya si uu caafimaadka u maro iyadoo ay Juve ka bixinayso €11-12m oo lagu daray bareemiyo la siinayo goolwalaha, kaddib 2 sano oo uu amaah kula joogey Roma, isagoo Juve u raaci doona kal-horaadka Maraykanka.

Di Marzio ayaa sidoo kale qoraya in Juve ay qarka u saaran tahay De Sciglio kaddib wada xaajood guul ku dhamaaday oo ay maanta la yeelatay Milan.

Kooxda Old Lady ayaa isna ku bixinaysa €12m oo fara saar ah iyo bareemiyo ay siinayso kooxda AC Milan.

b1

Gool FM

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here