(Milano) 17 Luulyo 2017 – Wakiilka Keita Balde Diao ayaa ku adkaysanaya in macmiilkiisu uu maalin joog uun ku tegey magaalada Milano, balse warar baa waxay sheegayaan inay Inter ay €22m oo euro kula heshiisey Lazio.

Laacibkan caalamiga ah ee reer Senegal ayaa miinka ka cuskaday inuu saxiixo qandaraas cusub oo kooxdiisa ah, iyadoo uu xagaaga soo aaddan dhacayo midka uu kula jiro Aquile.

Wuu ka maqan yahay kulanka sxbtinimo ee ay maanta yeelanayso kooxdiisu, isagoo xalay fiidkii kasoo tegey xerada tababarka sida ay sheegayso idaacadda Radiosei, oo si dhow ula shaqeeysa Lazio.

“Markii hore waxaad sheegteen inuu koox kale la heshiiyay. Hadda koox kale ayuu la saxiixanayaa???. Waa maalin joog, marka allifaadda daaya!,” ayuu Twitter kusoo qoray wakiilkiisa Roberto Calenda.

Keita ayaa markii hore diiddanaa Milan oo iyaduna sheegtay inay ka hartay, halka Juve oo uu isagu doonayay ay u muuqato koox aan muhiimad siinaynin ugu yaraan haatan.

b

Gool FM

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here