ad

(Istanbul) 17 Luulyo 2017. Dhaliyihii hore ee Arsenal, Manchester City, Tottenham, Monaco iyo Real Madrid Emmanuel Adebayor ayaa si xun u weeraray qoyskiisa oo ku sheegay inay xitaa sabab u ahaayeen inuu la sii joogi waayo kooxda Real Madrid oo uu heshiis amaah ah mar kula joogay.

Adebayor ayaa heshiis amaah ah uga soo tagay Man City 2011 isagoona ku soo biiray Real Madrid oo uu la joogay lix bilood uun, wuxuu u dhaliyay mudadaas 5-gool 14 kulan uu u saftay kooxda uu kolkaa hogaaminayay Jose Mourinho wuxuuna ka caawiyay inay ku guuleystaan Copa del Rey.

Laakiin Real Madrid ayaa diiday inay heshiis joogta ah kula wareegto dhaliyaha reer Togo, kaddib markii laga saarayna shaxdii Man City ee kulamada la isugu diyaarianyo xagaaga ayaa waxaa amaah lagu siyay kooxda Tottenham.

The 33-year-old has opened up more about his family problems during a BBC interview

Horey ayaa loo ogaa khilaafka ka dhex jira Adebayor iyo reerkiisa, balse wareysi uu usbuucan siyay BBC ayuu ku sheegay sheeko ka duwan kuwii hore.

“Waa mid adag. Maanta waxaan u maleynayaa inaan sameeyay go’aanka saxda ah si aan warkan u shaaciyo maxaa yeelay wixii aan soo maray,” Adebayor ayaa sidaa yiri.

“Dadku waxay dhihi doonaan ‘Waa inaad nafsadaada uun ku qarsataa’. Waxaan sameeyay wax kasta oo aan ku sii joogi karo Real Madrid, laakiin walaalkey dartii ayaa halkan u joogi waayay.

“Wuxuu soo diray warqad, warqad rasmi ah oo ka socota qoyska Adebayor kuna socota kooxda taa oo sheegeysa inaysan aniga i sii heysan oo ay I diraan.

“Ma dhahayo taasi waa sababta ay Real Madrid ii sii ceshan waysay, laakiin waxay noqon kartaa qeyb ka mid ah, xitaa haddii ay tahay 10% waa wax badan.”.

Adebayor ayaa qiray inuusan xiriir fiican la lahayn reerkiisa, isagoona sheeganaya inaysan marna la soo xiriirin marka uu dhaawacu soo gaaro balse kaliya ay u soo wacaan inay waydiistaan lacag.

Dhaliyaha reer Togo ayaa iminka ku sugan kooxda Basaksehir ee ka dhisan dalka Turkiga wuxuuna qandaraaskiisu ku egyahay dhammaadka kal ciyaareedka soo socda.

Abdisamed Mohamed Hassan

Gool FM.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here