(London) 17 Luulyo 2017 – ARSENE WENGER ayaa sida lasoo werinayo wuxuu hollinayaa inuu waaxdiisa gaashaandhigga kusoo biiriyo daafaca Southampton ee Virgil van Dijk si uu u dhiso waaxdaasi.

Macallinka Gunners ayaa xagaagan malaayiin ku seeyraya suuqa kala iibsiga, si uu naadigiisa ugu bedelo mid hollin kara hanashada horyaalka EPL oo uu muddo ka caagey.

Sida ku dhigan Express wuxuu haatan ka baaraan degayaa inuu £45milyan oo gini ku dalbado dambeedkan dhexe ee reer Holland, jeer uu hooraanba cardaadiqaha ka dhigay rikoodka wax soo iibsiga Gunners kaddib markii uu soo qaatay qannaaska Alexandre Lacazette laba todobaad kahor.

Arsenal ayaa sidoo kale dhamaysay ama ugu yaraan qarka u saaran – haddii ay rumoobaan warar shalay soo baxayay – heshiiska garabka Monaco ee Thomas Lemar oo ay ka bixinayso £45m oo gini.

b

Gool FM

 

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here