bale

(Madrid) 17Luulyo 2017. Gareth Bale ayaa si wayn lala xiriirinayay inuu dib ugu laabto Ingiriiska isla markaana ku biiro kooxda Manchester United balse laacibka ayaa iminka ka dhawaajiyay inuu ku faraxsan yahay Real Madrid isla markaana aysan jirin wax dalab ah oo kaga yimid kooxda Jose Mourinho.

28 jirka ayaa 27 kulan oo qura ka soo muuqday kal ciyaareedkii tagay sababo la xiriira dhaawacyo laakiin markasta muhiim ayuu u ahaa weerarka la magac baxay BBC ee Benzema, Bale iyo Ronaldo.

Mar laacibka reer Wales la waydiiyay inuu ku fikirayo inuu ka tago kooxda reer Spain ayaa ku jawaabay:

“Maya, wax kasta waxaa adkeeyay dhaawaceyga, laakiin wax kale ma jiraan.

“Si fiican ayaan weli u ciyaari karaa marka aan joogana heerka ugu sareeya waxaan markale bixin doona teeda ugu fiican, heshiis dheer ayaan u saxiixay Madrid waana ku faraxsanahay halkan.

“Runta ayaa waxay tahay inaan aqrin wax ku saabsan haba yaraadaane xiisaha Man United. Sida laacib British ah waxaa had iyo jeer la ila xiriiriyaa inaan dib ugu laabanayo hoygeyga, si la mid ah waxay ku dhacday David Beckham kaa oo yimi Spain, ma ahan wax cusub.

“Waan ku faraxsanahay inaan ka ciyaaro Madrid, caqli ahaan xiiso waa xiiso uun, laakiin haddii aysan jirin wax waa qici ah, dalab la’aan sidaa darteed ma jiraan wax laga wada hadlo.”.

Gool FM.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here