(Milano) 17 Luulyo 2017 – Warsidaha La Gazzetta dello Sport ayaa maanta qoray sheeko uu uga hadlayay suuq-xagaagan oo ay AC Milan dadkii kaga yaabinayso malaayiin ay farraqayso.

Wuxuu si gaar ah u eegay labada kooxood ee Milanese-ka ah ee Inter iyo Milan isagoo yiri: “Financial Fair play baa xannibaysa Inter balse Milan maya, hadda”.

Sababtu waxay tahay Nerazzurri waxaa saaran waynaysada waawayn ee UEFA ee magaalada Nyon, halka AC Milan aysan taa hadda ku jirin, balse ay geli doonto wixii loo gaaro bisha Oktoobar oo laga doonayo xisaabaadkeeda oo faahfaahsan.

Tan kale, UEFA waxay kooxaha siisaa woxoogaa xornimo ah marka ay milkiyad cusub ku wareegaan, iyadoo loo ogol yahay qorshe 3 sano ah oo ay isku dhisayaan iyagoo keenaya hab-howleed ay ku abuuranayaan dakhli iyo hab dhaqaale oo is bixin kara, iyadoo ay Milan doonayso inay fursadahaa ka faa’iidaysato iyadoo ku tashanaysa CL iyo suuqa Shiinaha ee ballaaran.

Yeelkeede, kooxaha kale oo dhan ayaa sidaas oo kale ah, iyadoo Milan aysan 3 sano ka qayb gelin koobabka Yurub sidaa darteedna aysan wax xiriir ah oo dhanka xisaabaadka ah la yeelanin UEFA.

n

Gool FM

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here