Image result for Casemiro and Messi

(Madrid) 17 July 2017 Laacibka qadka dhexe ee kooxda Real Madrid Casemiro ayaa ka hadlay wararka ciyaartoyda kooxdiisu ay isku dhaafsadaan qolka labiska marka ay ka hortagayaan Messi.

Casemiro ayaa sheegay in dhamaan ciyaartoyda Real ay diirada saartaan laacibka reer Argentina kaas oo uu sheegay inuu waxyaabo badan qaban karo haddii loo ogolaado inuu si xuriyad leh ula laafyoodo kubadda.

Messi ayaa guul ku hogaamiyay kooxdiisa Barcelona kulankii ugu danbeeyay ee ay wada ciyaareen labada kooxood, Casemiro ayaana yiri:

“Messi wuxuu awoodaa inuu ka saramaro difaacyada, qolka labiska marwalba isaga ayaan uga hadalnaa”.

“Waxaan ku sheekeysanaa in aanaan u ogolaanin inuu si xoriyad leh ula dhaqaaqo kubadda waayo waxyaabo badan ayuu samayn karaa haddii uu helo fursad”.

Gool FM

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here