(Milano) 16 Luulyo 2017 – Lucas Biglia ayaa si rasmi ah ugu biiray kooxda AC Milan kaddib markii uu ku guulaystey tijaabadii caafimaad ee shalay laga qaaday.

Laacibkan 31-jirka ah ee reer Argentina ayaa Lazio ugasoo wareegey guud ahaan 20 milyan oo euro oo iskugu jirta €17m iyo €3m oo bareemiyo ah, waxaana habeenkii Jimcaha gegada Linate kusoo dhoweeyay taageerayaal jidbaysan.

Subixii Sabtida ayay iyagoo hal gaari wada saaran Leonardo Bonucci waxay caafimaadka ku mareen La Madonnina isagoo misna tegey Casa Milan HQ, oo uu ku arkay matxafka lagu kaydiyo sooyaalka Rossoneri museum lana kulmay Marco Fassone.

Biglia ayaa saxiixay qandaraas soconayaa ilaa Juunyo 2020, isagoo Lazio 2013 uga soo biiray kooxda RSC Anderlecht oo ay kasoo siisatay €8.4m oo euro. Biglia ayaa qarankiisa u saftay 49 kulan.

Biglia ayaa noqonaya kabtankii 3-aad ee Lazio ah ee ku biira kooxda AC Milan kaddib Alessandro Nesta iyo Massimo Oddo. Labadaas laacibba waxay Milan la qaadeen Champions League.

bb b b1 b2 b3 b5 b6 b7 b8 b9 b10 b12 b13 b15 b16

b

Gool FM

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here