(Monte Carlo) 16 Luulyo 2017 – Kooxda Arsenal ayaa la sheegayaa inay la heshiisey laacibka AS Monaco iyo France ee Thomas Lemar.

Lemar wuxuu ku biirayaa kooxda Arsenal oo mudaba daba socotey, iyadoo uu Lemar si gaar ah u raadinayay macallin Arsene Wenger, in ka badan xitaa Kylian Mbappé.

Qiimaha lagula heshiiyay garabkan oo ku dhashay Guadeloupe sanaddii 1995-kii, ayaa gaaraysa ilaa £48 milyan oo gini iyo weliba bareemiyo iyadoo marka dambe gaaraysa ilaa  £53 milyan oo gini.

Heshiiska ayaa lagu wadaa in lagu dhawaaqo marka ay Arsenal kasoo laabato Australia iyo China, iyadoo sida la sheegayo ay AS Monaco dalbatay in aan laacibka caafimaad la marsiinin inta ay biddaalkiisa ka helayaan.

b

Gool FM

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here