(Hull City) 15 Luulyo 2017 – Kooxda kubada cagta ee Liverpool ayaa aad ugu dhaw inay kula soo wareegtaa £8 milyan oo gini daafaca bidix ee Kooxda Hull City ee Andy Robertson.

Kooxda Jurgen Klopp ayaa aad ugu baahi qabto laacib ka ciyaaro booska bidixda ee daafaca ayagoo xilli ciyaareedkii tagay u isticmaalay booskaas xiddiga da’ada ah ee James Milner.

Waxaana 23 sano jirkaan Hull City uga ciyaaro daafaca la rajeeynayaa inuu Liverpool ku biiraa dhamaadka tododbaadkaan (Berri oo Axad ah) kadib markii uu la meel dhigay heshiishkiisa shaqsiga ah.

Kooxda Burnley ayaa aad ugu dhawaatay inay la soo saxiixataa xiddigaan oo Scotland u dhashay bishii hore, balse waxaa ay isku afgaran waayeen heshiishkiisa Kooxda Hull City sidaas darteed hada Liverpool ayaa ah Kooxda ugu cadcad saxiixiisa.

Jurgen Klopp ayaa go’aansaday inuu Robertson la soo wareegaa si uu u soo gabogabeeyo dhibaatada dhinacaas ka heeysatay Liverpool tan iyo markii macalinkaan reer Jarmal uu yimid Kooxda Liverpool.

Laacibkaan heerka caalami ee Scotland ayaa aad loola xiririnaaye Liverpool xagaagaan oo idil kaas oo loo arko mid ka wanaagsan xiddiga da’ada ah ee James Milner oo ciyaaraaye inta badan xilli ciyaareedkii tagay booskaas iyo xiddiga reer Spain ee Alberto Moreno kaas oo keyd ahaa inta badan xilli ciyaareedkii tagay.

W/D AK Caqil

b

Gool FM

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here