(London) 15 Luulyo 2017 – Kooxda Chelsea ayaa la sheegayaa in ay €100 MILYAN oo euro u gaartey hujuumka Juventus ee Gonzalo Higuain.

Tuttosport ayaa qoraya in Juve ay €100m ku diiddey Higuain oo uu soo dalbaday macallinkoodii hore ee Antonio Conte soo haatan wada Chelsea.

Kooxda Bianconeri ayaa laacibkan xagaagii tegey €90m ka badan kusoo qaadatay taasoo ay ku fasaqday qandaraaskii uu kula jirey kooxda Serie A ay ku coltamaan ee Napoli sanad uun kahor.

Juve ayaa la sheegay inay dalabkan  €100m ah ee ka yimi Chelsea markiiba miinka ka cuskatay, waloow uu Pipita 30 jirsanayo bisha Diseembar isagoo kooxdiisa kula jira qandaraas soconaya tan iyo Juunyo 2021.

Fasalkii 2015-16 wuxuu isagoo Napoli jooga jebiyay rikoodhkii abadiga ahaa ee gool dhalinta Serie A isagoo dhaliyay 36 gool.

b1

Gool FM

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here