(London) 15 Luulyo 2017 – Halyeeygii kooxda Chelsea ee Marcel Desailly ayaa sheegay inuu ka xun yahay in Romelu Lukaku lagu hor qaatay kooxdiisii hore kaddib markii uu laacibkii hore ee Everton uu ku biiray Manchester United waloow ay Chelsea doonaysay.

Desailly ayaa  sheegay Eurosport: “Waa wax laga xumaado in Lukaku uusan imanin. Waxaa malaha ugu wacan Diego (Costa) oo aan weli tegin, waana adag tahay inaad weerarro badan hal mar soo qaadato.”

Mar wax laga waydiiyay jookarka Borussia Dortmund ee Pierre Emerick Aubameyang, wuxuu raaciyay: “Waxay iila muuqataa in laacibka qura ee ay Chelsea ka bixi karto uu yahay Aubameyang. Kooxda wuxuu gaarsiin karaa heer kale. Balse ma ogi qofkii imanaya.”

b

Gool FM

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here