(Madrid) 15 Luulyo 2017 – Alvaro Morata ayaa aad ugu dhawaaday inuu noqdo laacib Manchester United ka tirsan, balse waxaa jirtay in labada Kooxood ee Real Madrid iyo Manchester United ay isla meel dhigi waayeen heshiish iskuna afgaran waayeen qiimaha lagu iibsan karo Alvaro.

Asiga oo ka hadlaayey xaalada Morata xalay fiidkii ayuu Jose Mourinho carabka ku dhuftay xaquuqda ay Real Madrid u leedahay inay ku codsato qiimaha ay dooneeyso inay iskaga iibiso laacib walba oo ay dooneeyso inay iska iibiso.

“Waxaan ahayn kuwo xiiseeynaayey, taasi waa wax cad oo banaanka yaalla,” ayuu macalinka United yiri xilli uu ku guda jiray shirkii jaraa’id ee Los Angeles, halkaas oo Real Madrid lafteeda ay u joogto tababar.

“Ma noqon kuwo ku heshiiya dhaqaalaha taasna waa wax iska cad sidoo kale. “Balse Real Madrid waa kuwa xaqa u leh inay dalbadaan dhaqaalo walbo oo ay u arkaan kan ku haboon in lagu iibsadaa laacibkooda.

“Anaga (United) ma go’aamino qiimaha ciyaartooyda Real Madrid, mana ku dhaleeceeynaayo Real Madrid inay sidaas sameeyeen, sidoo kale ma dhaleeceeynaayo maamulka Manchester United maadama ay sameeyeen dalabyo waaweyn isla markaasna ay isku dayeen inay wax la meel dhigaan Real Madrid. “Si fudud ma noqon isku isku fahma heshiishka”. Mourinho ayaa sidoo kale wax laga weeydiiye kulanka UEFA Super Cup ee Real Madrid waana kulan uu sugaayo waxaana uu yiri.

“Waxaa nahay koox weyn sida Real Madrid oo kale,” asiga oo hadalkiisa sii wataa ayuuna yiri “ma jirto Koox ka wanaagsan aan la ciyaari laheen kulankaas Macedonia ka dhacaayo August 8-da”.

W/D AK Caqil

b

Gool FM

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here