(Madrid) 14 Luulyo 2017 – Madaxwaynaha Real Madrid ee Florentino Perez ayaa la yaabay talo uu bixiyay macallin Carlo Ancelotti taasoo uu siiyay laacibka khadka dhexe ee PSG jaalle Marco Verratti.

Macallinkii hore ee Real, Ancelotti ayaa lasoo shaqeeyay Verratti xilligii ay wada joogeen PSG wuxuuna si dhow ula socdey inuu laacibku doonayo inuu ka baaraan dego aayihiisa ciyaareed.

Diario Gol ayaa qoraya in waloow uusan Verratti haatan bartilmaameed u ahayn misna wuxuu Florentino jeclaan lahaa inuusan ku biirin kooxda ay coltamaan ee Barcelona.

Yeelkeede, madaxwaynaha Real ayaa ka war helay in Ancelotti uu Verratti kula taliyay inuu ku biiro kooxda Barca, isagoo ku qanciyay in Nou Camp uu yahay dookh anfacaya.

Arrintan ayaa soo raacaysa qaniinyadii hore ee Ancelotti oo buug uu qoray ku xusay in Florentino uu la fara fareeyn jirey xulashada laacibiinta, gaar ahaan Gareth Bale.

b

Gool FM

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here