(Manchester) 14 Luulyo 2017 – Kooxda Manchester City ayaa dhamaystirtay saxiixa dadabka midig ee Tottenham iyo England ee Kyle Walker oo ay la gashay qandaraas 5 sano ah oo ay ku khasirtay £45m.

“Waan ku faraxsan ahay inaan la saxiixdo kooxda City mana sugi karo inaan u safto,” ayaa laga koobiyay Walker.

Pep Guardiola waa mid ka mid ah macallimiinta loogu xushmadda badan yahay caalamka, waxaana qabaa inuu iga caawin karo inaan sare u dhigo heerka ciyaartayda” ayuu raaciyay.

Txiki Begiristain, oo ah maareeyaha ciyaareed ee naadiga Man C ayaa ku daray: “Kyle waa dadab wanaagsan, waana mid wax ka tari kara labada dhinac ee garoonka (weerar iyo daafac).”

b b1 b2 b4 b5 b7

b
Gool FM

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here