(Madrid) 09 Luulyo 2017 – Macallinka Real Madrid ee Zinedine Zidane ayaa u sheegay madaxwaynaha Florentino Perez inuu ku faraxsanaan lahaa in la iibiyo Gareth Bale.

Zidane, ayaa Perez la qaba aragtida ah in xagaagan kooxda la keeno qannaaska AS Monaco ee Kylian Mbappe wuxuuna ogyahay inay taasi kaga xiran tahay isagoo iibiya mid ka mid ah xiddigaha qaaliga ah ee kooxda, iyadoo laacibka uu hurayo Zidane uu yahay Bale.

Ninkan French-ga ah ayaa sida uu qorayo Diario Gol, u sheegay Florentino “inuu iibiyo Bale haddii uu ku helayo €100m!”.

PSG ayaa la sheegayaa in Real kala hadashay helitaanka Bale, balse ninkan Welsh-ka ah ayaa door bidaya Manchester United.

Yeelkeede, muhiimadda 1-aad ee garabkan ayaa la sheegayaa inuu yahay inuu ugu yaraan sanad kale sii joogo Real Madrid.

b
Gool FM

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here