(London) 27 Juunyo 2017 – Chelsea ayaa la sheegayaa inay aad ugu dhowdahay inay heshiis la gaarto Alex Sandro, iyadoo Juventus farta ka saaraysa €68m.

Dadabka Brazilian-ka ayaa la rumaysan yahay inuu bartilmaameed sare u yahay horyaallada Ingiriiska ee Chelsea xagaagan, jeer uu Antonio Conte doonayo inuu dadabyada iska adkeeyo.

Kaddib markii ay shalay soo bexeen warar sheegaya inuu ka dhaartay inuu qandaraaska cusboonaysiiyo, La Stamba ayaa haatan faafinaya war sheegaya inuu heshiisku qar soo saaran yahay.

Sida ku qoran wargayska, oo ay leeyihiin isla qoyska Agnelli, waxay kooxda Blues doonaysaa inay Alex Sandro ku bixiso £60m – oo u dhiganta €68m marka sarrifka waqtigan la eego.

Juve ayaa jecel inuu sii joogo laacibkan oo ay u bandhigtay qandaraas gaaraya ilaa 2022 oo uu fasalkii ku qaadanayo €5m si ay u damiyaan dawanka kasoo yeeraya London, balse way ku guulaysan la’yihiin ilaa haatan.

Waxaa xitaa baraha bulshada wareegayay laacibka oo ku dhex sawiran istiikarka badanaa lagu sawiro laacibiinta ay la wareegto Chelsea oo ay ku qoran tahay ”kusoo dhowoow Chelsea” balse lama hubin runtiisa.

b

Gool FM

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here