ssssss

(Muqdisho) 17 Juunyo 2017. Dhaawac laga naxo ayaa waxa uu shalay soo gaaray xiddiga qadka dhexe ee xulkeena iyo waliba kooxda Dekadda Axmed Xasan Macaani.

Macaani ayaa ka jabay lugta mar uu shalay ciyaarayay kulan ka mid ah Jiirooniga Fustalka ee ka socda Shiirkole halkaa uu ku matalayay xaafada uu ka soo jeedo ee Bakaaraha.

Mar ay dhawaan GoolFM kula hadashay taleefanka ayaa waxa uu laacibku xaqiijiyay in qaliin lagu sameynayo saacadaha soo socda si lafta loo toosiyo isla markaana biro loo galiyo.

waa

Lama garanayo mudada uu garoomada ka maqnaan doono Macaani, laakiin sida muuqata bilooyinka dhow kama soo muuqan doono horyaalka heerka koowaad ee Soomaaliya.

Waxaana shaki ku jirin in kooxda Dekadda ee iminka hogaamineysa horyaalka ay si wayn u tabi doonto xiddigeeda qadka dhexe ee Macaani.

Gool FM.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here