sssa

(China) 14 Juunyo 2017. Laacibkii hore ee Newcastle United Cheick Tiote ayaa usbuucii la soo dhaafay si lama filaan ah ugu geeriyooday xerada tababarka kooxda Beijing Enterprises ee dalka Shiinaha kaddib markii uu wadnaha istaagay.

Sportsmail ayaa iminka daaha ka rogeysa in allaha u naxariistee laacibka heystay diinteena Islaamka uu u geeriyooday dayacnaan ka jirtay kooxda shiineeska maadaama aysan xeradeeda tababarka ku heysan qalabka sida deg dega ah loola tacaalo wadnaha sida qalabka lagu kiciyo marka uu si ku meel gaar ah u istaago (defibrillator), iyadoo ay waliba jirto in Shiineesku uu Malaayiin ku qarash gareeyaan ciyaartoyda.

30-jirka ayaa maanta oo Arboco ah lagu duugayay dalkiisa hooyo ee Ivory Costa, laakiin usbuuc iminka laga joogo geeridiisa naadiga Beijing Enterprises ee ka ciyaarta heerka labaad ee horyaalka Shiinaha ayaa weli cadeyn la’ waxa sababay dhimashada Cheick Tiote.

Cheick Tiote passed away last week after collapsing during a training session in China

Intaa oo kaliya maahan ee waxay kooxdu sidoo kale ka jawaabi la’dahay ilo wareedyo ilaa 3 gaaraya oo sheegay in qalabka caafimaad ee aasaasiga kooxda aysan ku jirin (defibrillator) ee lagu kiciyo marka uu qofka wadnaha istaago.

Sportsmail ayaa waxaa loo sheegay maalmo ka hor inta uusan dhiman Cheick Tiote in mid ka mid ah kooxda uu walaaciisa ku  muujiyay Baraha Bulshada ee WeChat in laacibka ay saameysay inuusan wax cunno ah ama cabitaan ah qaadaneyn qorax soo baxa ilaa qorax dhaca maadaama uu sooman yahay, laakiin warbixintaas ayaa markii dambe la tir tiray.

“Xaalada caafimaad ee kooxaha Shiineeska aad ayay uga liidataa sida aad sawiraneyso,”. Ilo wareed ayaa sidaa lagu yiri.

Papiss Cisse paid tribute to Tiote during the latter's memorial service in Beijing on Tuesday

Ku kale ayaa isna lagu yiri: “Miyay Beijing Enterprises heystaan qalabka (defibrillator)? Labo qof ayay waaxdooda caafimaadka ku heystaan, mid aqoon ayuu u leeyahay shaqadiisa halka midka kalena uu xanuun baabi’iye ku buufiyo ciyaartoyda.”.

Ilo wareed kuwaa ka sii xag jirsan ayaa lagu yiri: “Asal ahaanba ma heystaan qalab caafimaad waxyna aad ugu tiirsan yihiin dawada dhaqan soo jireenka ee Shiineeska.”.

Beijing Enterprises ayaa war ay soo saartay ku sheegtay in isla markiiba Tiote loola cararay Isbital laakiin dhammaan talaabooyinka lagu bad baadin karay waxay caddeynayeen kuwa guul darreystay.

People raise a poster to remember footballer Tiote during his memorial service

Su’aasha is waydiinta mudan ayaa waxay tahay ma xiriir ayaa ka dhexeeya ciyaartoyda Afrikaanka ah iyo Wadno istaaga?

Diraasad lagu sameeyay Nigeria ayaa soo jeedineysa in 75% ay Afrika ka soo jeedaan ciyaartoyda dhibaatada wadnaha ugu geeriyoota garoomada ciyaaraha tan iyo 1990-kii.

W/D: Abdisamed Mohamed Hassan (Black Yare).

Gool FM.

1 COMMENT

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here