(Nairobi) 13 Juunyo 2017 – Waxaa magaalad Nairobi ka soconaya tartanka kubadda kolayga ee caasimadaha Bariga Afrika ee Inter City.

Caasimadda Somalia ee Muqdisho oo xalay 83-62 uga badisay Mombasa ayaa caawa markale la ballansan caasimadda South Sudan ee Jubba City.

Haddaba, waloow awal lagu doodsanaa, balse haatan waxaa la isla meel dhigay waqtiga ay ciyaartan oo ay haddii ay Muqdisho City badiso ugu soo baxayso nus-dhamaadka, taasoo awal horay u ahayd 6:00 maqribnimo, balse haatan laga dhigay 8:00 oo ah sida ay dalbatay Muqdisho City, bacdamaa uu waqtiga hore ku beegnaa xilli afur sida uu sheegayo weriye Ibraahim Geeddoow Cawaale oo goobta ku sugan.

Wixii natiijo ah oo kasoo kordha kala socda Gool FM.

b2

Gool FM

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here