3

(Nairobi ) 13 Juunyo 2017. Wiilasha kubadda Koleyga ee caasimadda dalkeena ee Mogadisho City ayaa  guul weyn ku bilowday tartanka Kubadda Koleyga ee magaalooyinka Bariga Afrika kadib markii ay guul ka gaareen Mombasa City .

Ciyaarta oo aheyd mid aad u xiio badan ayaa waqtigii loogu tala galay ku soo dhamaatay 83 – 62 oo lagu garaacay Mombasa City.

Tartanka  kubadda koleyga caasimadaha bariga Afrika ayaa lagu marti galinayaa magaalada Nairobi ee xaruunta dalka Kenya waxaana ciyaarta ay ka dhacday  Nyayo National Stadium.

Wiilasha matalaya Caasimadda Soomaaliya ayaa kullanka labaad ciyaaraya isla caawa, sida jadwalka ku cad waxa uu kullankaas soo dhici doonaa 6:00 maqribnimo, balse hor joogayaasha caasimadeena ayaa guddiga ka codsaday in saacadda ay soo galeyso ciyaarta dib loo dhigo mahadaama uu kusoo aadayo xiddigaha Muqdisho oo wali afurin.

Tartankaan ayaa waxaa ka qeyb qaadanaya lix magaalo oo kala ah Nairobi, Kampala, Mombasa, Dar es Salaam, Jubba iyo Mogadisho.

Sikastaba xulka kubadda koleyga ee Muqdisho ayaa guushii ay gaareen xalay waxa ay ka dhigan tahay in ay lugta sii galisay Sami Final tartankan, waxa ayna ku hari kartaa kaliya in loogu badiyo 22  jeesto, haddii ka yar loogu badiyo waxa ay tiigsan doonaan afar dhamaadka tartanka Kubadda Koleyga ee Magaalooyinka Bariga Afrika.

Image may contain: 2 people, people playing sports and basketball courtImage may contain: 3 people, people playing sports, basketball court and shoesImage may contain: 1 person, playing a sport, basketball court and shoes

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here