mes

(Catalonia) 13 Juunyo 2017. Lionel Messi ayaa ugu dambeyn tartanka dhanka Hoteelada kula soo biiray xarfaanka ay sida wayn ugu xifaaltamaan kubbada cagta ee Cristiano Ronaldo.

Kabtanka xulka Argentina ayaa dhawaan dhul xeebeedka ku dhow gobalka Catalonia ka iibsaday Hotel aan innaba caadi ahayn.

Messi ayaa Hotel ka ku dhow badda isla markaana muuqa fiican leh ka bixiyay adduun dhan 30-milyan euros oo u dhiganta (26.01-milyan oo bound) sida ay sheegeyso majalada Expansion ee ka soo baxda Spain.

Lionel Messi has purchased the four-star MiM hotel in the beach town of Sitges

Hoteelkan ka kooban 77-da qol ee halkii habeen lagu jiifto 300 euro ayaa 40km u jira magaalada Barcelona.

Laacibka 5-ta jeer ku guuleystay abaal marinta Ballon d’Or ee laacibka ugu fiican addunka ayaa dhawaan aas-aasay shirkad cusub ee maal galineysa Hoteelada iyo Guryaha , sida ay sheegeyso expansion Messi waa madaxa shirkada halka uu maamule ka yahay walaalkii Rodrigo.

Messi ayaa sheekadan uga dayday xiddiga ay xifaaltamaan ee Ronaldo kaa oo iminka sii cago cageynaya 4 Hoteel uu ku maal galiyay 54 milyan oo bound.

The Barcelona star has bought the hotel for 30 million euros (£26.01m)

Hoteelada xiddiga reer Portugal ayaa ku kala yaala saddex Magaalo oo la xiriira waayihiisa ciyaareed, Funchal, Lisbon iyo Madrid iyo waliba mid kale oo ku yaala magaalada New York ee dalka Mareykanka.

Bishii October, Ronaldo ayaa si rasmi ah dhulkiisa hooyo uga furay Hotel magaciisa ah ‘Pestana CR7 Lisboa’.

In October, the Portugal star officially opened his flagship hotel, 'Pestana CR7 Lisboa'

Haddaba sheekadu iminka waa 4-1 maadaama uu CR7 leeyahay Afar Hotel halka uu Lio isna kiisii ugu horreeyay dhawaan ka iibsaday meel ku dhow magaalada Barcelona.

The hotel boasts a panoramic terrace overlooking the sea and stunning views

Rooms in the hotel, situated 40km from Barcelona, are priced from 250 euros per night

W/D: Abdisamed Mohamed Hassan (Black Yare)

Gool FM.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here