pr

(England) 13 Juunyo 2017. Bil ka hor uun ayay ahayd markii Chelsea loo caleemo saaray horyaalka Premier League laakiin durba dareenka ayaa u weecday xilli ciyaareedka cusub oo waxaa beri la sameyn doonaa isku aadka horyaalka Ingiriiska ee 2017-18.

Labada Manchester ee United iyo City ayaa la filayaa inay sanadkaan aad ugu tartamaan PL halka ay Chelsea dooneyso inaysan qabsan sheekadii 2015-16 kolkaa oo ay si xun u jabtay markii ay horyaalka la soo qaaday Jose Mourinho.

Haddaba halkan ka aqriso wax kasta oo aad ugu baahan tahay isku aadka:

Chelsea celebrate with the Premier League title on the final day of the 2016-17 season

Goorma ayaa la soo saarayaa Isku aadka fasal ciyaareedka cusub?

Isku aadka Premier League ee xilli ciyaareedka cusub ee 2017-18 ayaa la soo saari doonaa berito oo arboco ah marka ay saacada UK sheegeyso 9am oo dhanka Geeska Afrika tilmaami doonto 11:00am.

Goorma ayuu bilaabanayaa xilli ciyaareedka cusub?

Wuxuu bilaaban doonaa oo kulamada ugu horreeya la kala ciyaari doonaa August 12 iyo 13.

Goorma ayuu soo xirmayaa fasal ciyaareedka cusub?

Wuxuu soo xirmi doonaa 13-ka May markaa ay 20-ka kooxood is wada arkaan si isku mid ah.

Huddersfield were promoted after beating Reading in the Championship playoff final

Waa kuwee kooxaha ku cusub Premier League sanadan?

Newcastle, Brighton iyo Huddersfield ayaa noqon doona wajiyada cusub ee horyaalka fasal ciyaareedka cusub, labada hore ayaa si toos ah ugu soo baxay heerka koowaad halka Huddersfield ay ku timid playoffs.

Yaa macsalaameeyay Premier League sanadan?

Waxaa heerka labaad u laabtay oo ka soo dhacay Premier League kooxaha Sunderland, Middlesbrough iyo Hull City.

W/D: Abdisamed Mohamed Hassan (Black Yare) 

Gool FM.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here