(Cairo) 11 Juunyo 2017 Xiriirka kubadda cagta dalka Masar ayaa ka mamnuucay laacibka Roma ee Mohamed Salah inuu ka hadlo dalabka Liverpool inta uu la joogo xulka.

Mohamed Salah ayaa diiday inuu ka hadlo dalabka kooxda Liverpool, xili xulkiisu uu isku diyaarinayo kulanka maanta ay la ciyaarayaan Tunisia isreeb reebka koobka qaramada Afrika ee 2019.

Warbaahinta dalkaas ayaa baahiyay in laacibka laga mamnuucay inuu ka hadlo arimaha la xiriira dib ugu laabashada horyaalka ingiriiska, maadama looga fadhiyo inuu xooga saaro kulamada uu u ciyaarayo xulka.

Waxaa xusid in Liverpool laga soo diiday dalab dhan 28 milyan oo Ginni, Roma ayaana ku doonaysa laacibkeeda 35 milyan oo Ginni.

Gool FM

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here