meyma

(Muqdisho) 11 Juunyo 2017. Micnaha Taageere Waa muujiyaha Astaanta  sida calanka, Maaliyada iyo wixii lamida taasoo lagu bar garanayo kooxda ama xulka uu taageersan yahay waqtiga uu ku sugan yahay Garoonka sida ka jirta caalamka balse Dalkeena taasi kama jirto intiisa badan.

Garoomada Magaalada Muqdisho waxaa soo buux dhaafiya Kumanaan kun oo taageerayaal u sacba tuma kooxaha ka cayaara Horyaalada dalka balse ma ahan kuwa lakala aqoonsan karo Sida ay u kala taageeraan kooxaha markay cayaaruhu socdaan sababo ay ugu weyn tahay Bilaa astaan iyo funaanad taasoo ah Caqab haysatay Jamaahiirta u jidbaysan jaalayaasha ay Janteen.

Shining Star oo ah Shirkad ay hindiseen Dhalinyaro garawsatay in ay ka qeyb qaataan Hormarka iy Bilicda cayaaraha dalka ayaa markii ugu horeeysay ka shaafin doonta Taageerayaasha kooxaha in ay xirtaan Funaanado ay ku qoran yihiin Numbarada iyo Magacyada cayaartooyda taasoo looga gol leeyahay muujinta hanaanka Taageerinimo iyo sara u qaadista magacyada xidagaha Dalkeena.

Badi Cayaartooyda kooxaha ayaana horey ugu suurta gali jirin in ay u hibeeyaan Funaanada ay ku cayaaraan taageerayaashooda qaaska maadama ay ku adkayd helida mid kale oo uu ku cayaaro hase yeeshee hadda wixii ka dambeeya waxaa sahlanaan doonta in cayaartooyda iyo taageerayaashuba si isku mida u helaan Maaliyada iyo Magac ay markaas Maanka ku hayaan.

SAWIRRO:

Nasrokin Hashi Nure.

Gool FM.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here