“Waa nala dulmiyay kulankii Barcelona” – Cavani oo ilaa haatan aan ka sabrin guul daradii ka soo gaartay Barca

Image result for Cavani vs Barcelona 6-1

(Paris) 07 Juunyo 2017 Weerar yahanka kooxda PSG ee Edinson Cavani ayaa dib u xusuustay kulankii layaabka lahaa ee kooxdiisa looga soo reebay koobka horyaalada yurub xiliciyaareedkii dhamaaday.

PSG ayaa 4-0 ku soo adkaatay kulankii lugta hore, balse 6-1 ayaa looga adkaaday kulankii lugta labaad ee ka dhacay Camp Nou.

Edinson Cavani ayaa sheegay in kooxdiisa loo gaystay dulmi wayn isla markaana loola dhaqmay si aan cadaalad ahayn.

Image result for Cavani vs Barcelona 6-1

“Dulmi wayn ayaa nalagu sameeyay kulankaas, TV-yada dib uga daawada si aad u xaqiiqsataan wixii dhacay, waxaan rumaysanahay in natiijadaas aysan ahayn mid cadaalad ah” ayuu u sheegay L’Equipe.

“Markii aan dhalinay goolka oo natiijadu noqotay 3-1, dhab ahaantii ma hubin inaan soo baxnay inkasta oo Barca ay u baahnayd 3-gool ciyaartuna ay ka harsanayd wax ka yar 30 daqiiqo”.

Gool FM

Xariir La Leh

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *