(Beijing) 06 Juunyo 2017 Laacibkii hore ee kooxda Newcastle United ayaa geeriyooday kadib markii uu istaaga ka dhacay xili uu ku guda jiray tababarka kooxdiisa Beijing Enterprises.

Cheick Tiote ayaa 7 xiliciyaareed ku qaatay kooxda Newcastle United ka hor intii uusan dhawr bil ka hor u dhaqaaqin horyaalka shiinaha.

Xiddigaan ayaa ahaa mid muslim ah, waxaana daaha laga qaaday hadaladii uu kula hadlay saaxiibkiis oo ay kuwada hadleen baraha bulshada shalay ka hor geeridiisa.

“iLaaheey ayaa janada nooga dhig mid wayn walaal, aduunyadu waa mid dhamaanaysa, janaduna waa mid baaqi ah (oo aan dhamaanayn)”.

Rabi Janadii haka waraabiyo Cheick Tiote.

Gool FM

3 COMMENTS

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here