(Torino) 05 Juunyo 2017 Kubadd sameeyaha kooxda Juventus ee Miralem Pjanic ayaa dib u soo nooleeyay hamigii taageerayaasha kooxdiisa.

Miralem Pjanic oo doonayay in taageerayaasha uu ka saaro niyad jabkii Final-ka Chmapions League ee xiliciyaareed kaan ayaa balan qaaday inay sanadka xiga isku dayi doonaan ku guulaysiga koobka.

Laacibka reer Bosnia ayaa sheegay in kooxdiisu ay ku dadaashay ku guulaysiga dhamaan koobabkii ay u tartamayeen balse nasiibkooda uusan noqon Champions League.

Pjanic 1

“Wuxuu ahaa waqti murogo len ciyaarta kadib ilaa maanta, laakiin waxaan ku faanayaa inaan ahay qayb kamid ah kooxdaan” ayuu soo qoray Miralem Pjanic.

“Tartamada oo dhan waan dagaalanay ilaa dhamaadkii, waliba anaga oo rabnay inaan ku guulaysano dhamaantood”.

“Riyadeena ugu danbaysay waxay ahayd Champions League, nasiib xumo uma dhicin sidii aan doonaynay, laakiin waxaan hubaa inaan markale isku dayi doono xiliciyaareedka dambe”.

“Waxaan doonayaa in dhamaantiin aan idinkaga mahadceliyo taageeradii aad nala garab taagnaydeen xiliciyaareedka oo dhan”.

Gool FM

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here