(Paris) 05 Juunyo 2017 Kooxda PSG ee dalka Faransiiska ayaa aad ugu sii dhawaanaysa dhamaystirka saxiixa daafaca Real Madrid.

Qandaraaska Pepe ee kooxda Real Madrid ayaa dhacaya dhamaadka bishaan, kooxduna diyaar uma ahan inay ka saxiixdo heshiis cusub, taas oo ka dhigan inuu si bilaash ah ugu biiri doono PSG.

Marca ayaa baahisay in tababare Unai Emery uu ka war helay in Inter Milan ay uga horayso tartanka saxiixa Pepe, taas ayaana ku qasabtay in la dadajiyo wadahadalada labada dhinac.

Wakiilo ka socday kooxda PSG ayaa Cardiff kula kulmay sabtigii wakiilka Pepe, laacibka ayaana haatan qarka u saaran inuu u dhaqaaqo caasimada Faransiiska.

Pepe ayaa la filayaa inuu qalinka ugu duugo kooxda PSG heshiis 2-sano ah sida la baahiyay.

Gool FM

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here