14965318134798 (1)

(Madrid) 05 Juunyo 2017. Kaliya La Liga, Champions League iyo UEFA Super-ka ma difaacan doonto Real Madrid ee waxaa intaas u dheer koobka kooxaha aduunka.

Los Blancos waxa ay uga qeybgali doontaa tartanka United Arab Emirates kaas oo socon doona inta u dhexeysa 6-da Janaayo ilaa iyo 16-keeda, waxa ay uga soo  biiri doontaa afar dhammaadka marka ay 13 tahay bisha Janaayo.

Waxa ay ku ciyaari doonta gegida Zayed Sports City Stadium ee ku yaal Abu Dhabi.

Sidoo kale kooxaha la xaqiijiyey waxaa ka mida Pachuca oo hanatay CONCAF Champions League kaddib markii ay 2-1 uga badisay Tigers bishii Abriil.

Kooxda reer Mexico waxa ay isu diyaarineysaa koobkeedii afraad ee kooxaha aduunka iyada oo dhawaan ay reebtay  TP Mazembe 2010kii mar ay ku kulmeen sideed dhammaadk, laakiin sanadkan waxa ay ku soo laabayaan iyada oo koox xoog leh wadata oo ay ka mid yihiin Hirving Lozano iyo xiddiga USA ee Omar Gonzalez.

Waxaa kula soo biiraya Oceania’s Auckland City oo ka socota New Zealand oo markii 7aad oo xiriir ah ka soo qeybgaleysa.

Booska marti galiyeyaasha waxaa la filayaa in ay gasho Al Jazira, waa hadii aysan koox ka socota UAE aysan ku soo guuleysan Asian Champions League.

Waxaa taas la go’aamin doona bisha November, waa marka ay soo dhammaadaan tartamada koonfurta America iyo Africa,hada waxa ay ku guda jiraan heerarkoodii bug baxda (Knockouts).

Gool FM.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here