bale_1

(Madrid) 05 Juunyo 2017. Gareth Bale waxa uu gabi’ahaanba meesha ka saaray in uu xagaagan ku laabanayo Premier League-ga.

Bale waxa uu ku guuleystay billadiisii saddexaad oo Champions League ah kaddib afar olole oo uu joogay Real Madrid kulankii Cardiff ee ay 4-1 uga adkaadeen Juventus.

Kulanka kaddib Zinedine Zidane waxa uu ka meermeeray ka jawaabidda weydiimo ku fooganaa aayaha Bale waxa uuna u daayey inta lagu jiro xagaaga.

Laakiin weydiin si toos ah loo weydiiyey oo ku saleysneyd in kooxaha sida Manchester United kuwaas oo raba in ay England keenaan ay fursad haystaan, Bale waxa uu yiri: “Halkan Madrid ayaan ku faraxsannahay. Koobab ayaanu qaadeenaa waana faraxsanahay.”

Bale sidoo kale waxaa la weydiiyey in uu aayaha ka arko in uu ku biirayo kooxdii laga keenay 2013kii, Torrenham.

Waxa uu yiri: “Haa. Waxaan saxiixay qandaraas dheer oo Madrid ah. Qoyskeyga wey faraxsanyihiin waana faraxsanahay markaa waan sii wadi doonaa waxa aan sameenayo.”

Bale keydka ayuu ka soo galay kulankii Cardiff ee fiinaalaha Champions League-ga.

Gool FM.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here